Wafdi uu hogaaminayoh Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo lagu soo dhaweeyey Deegaanka Laanmadow.
January 22, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Wafdigan oo ay qayb ka ahaayeen Gudoomiyaha ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug, isuduwaha Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha qoyska Gobolka Mudug iyo Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gobolka Mudug.
Waxaa deegaanka Laanmadow ku soo dhaweeyey Wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Maamulka Deegaanka, Ganacsato, Nabadoono, Odayaal Dhaqameed, Ururadada Dhalinyarada iyo Haweenka iyo shacab wayne kale.
Gudoomiyaha oo ka hadlay madasha ayaa uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha badan ee deegaanka Laan Madow loogu soo dhaweeyey ” waan idinkaga mahadcelinayaa Ganacsatada, waxgaradka, Nabadoonada iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan soo dhawayntiina waan ku faraxsanahay 40 sano iyo dheeraad ka dib Laanmadow inaan ku soo laabto iyadoo horumar baaxad leh oo dhinac kastaa ku tilaabsatay, in la idinkaga daydo isku tashiga bulsho ee aad wax ku qabsanaysaan baad mudan tihiin Dowladd ahaan waan idinku dhiiri gelinaynaa waanu idin garab taaganahay mar kasta ugu danbayntii markale waan idinkaga mahadcelinaynaa soo dhaweyntiina.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA
WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG