Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo soo saartay Go’aan lagu xakamaynayo Shillin Soomaaliga
January 21, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa waxaa ay soo saartay go’aan lagu xakamaynaayo lacagaha laysaga safriyo Gobolada kala duwan ee Puntland. Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame “Qawdhan” warqad qoraal ah oo ka soo baxaday Xafiiskiisa Dakhliga ayaa amar lagu siiyay baraha kantarool ee Puntland.
no images were found
1. In uusan u kala gudbi karin gaadiid wada lacag Sh.s gobolada kale.
2. In la baaro gaadiidka lana hubiyo badeecadda iyo wax kasta oo ay sidaan.
3. In gaarigii lagu qabto Sh.so, lagu soo xareeyo saldhigga amniga ugu dhow si loo mariyo sharciga.
Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa qayb ka ah tallooyinkii Guddigii dhowaan loo saaray ka tala bixinta saraifka lacagaha.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland