Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tegay Dekkada Boosaaso.[Video]
January 23, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa waxaa uu kormeer shaqo ku tegey Dekedda Boosaaso iyo Xarunta Wasaaradu ku dhex leedahay Dekedda. Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Wasiiirka ayaa soo dhexmaray qaybaha kala duwan ee ay dekeddu ka koobantahay, xili ay socotay dejinta badeecooyinka ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibtu.
Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale booqaday Xafiis- yada Wasaaradu halkaasi ku leedahay waxana uu la kulmay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha.
Maamulaha Fududa ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay habsami usocodka shaqada iyo qaadista cashuurta badeecooyinka.
Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha ku dhiiri geliyay kor uqaadida dakhliga iyo ushaqaynta Bulshada adeegsata dekedda.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland