DFS oo Guddi u Saartay Baarista Qalalaasihii Garoonka Muqdisho
April 24, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay Shaqaaqadii maalintii Khamiistii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
War Qoraal ah oo ka soo baxay wasiirka Amniga DFS ee xil gaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa lagu shaaciyey magacyada gudiga “baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeya dhacdadii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.
no images were found
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa 22 kii bishaan waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeya shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda taas oo sababtay dhaawac iyo burbur hantiyeed.
M_M Deeq
Halgan.net