DFS oo Shaacisay in uu Fashilmey Shirkii u dhaxeeyey DFS iyo Dowlad Goboleedyada
April 7, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Shirkii u socday madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleeddyada ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta DFS Cismaan Dubbe.
Sidoo kale waxaa lagu daabacay War-saxaafadeed telefiishanka qaranka Soomaaliya waxaana DFS ay eedda guuldarrada shirarka dusha u saartay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta DFS ayaa yiri “waxaan umada Soomaaliyeed u sheegeynaa in Maamulada Puntlan iyo Jubaland ay diideen Dalkaan in ay ka dhacdo Doorasho ayna yihiin Jid iyo Jiho diid”
Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in labada madaxweyne ee maamul goboledyadaasi ay diideen in dooarshada lagu saleeyo heshiiskii September 17-keedii.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaan weli ka jawaabin eedeynta ay u soo jeedisay DFS
Shirar hordhac ah ayaa Sabtidii ka bilowday ee Muqdisho ayaa dadka ka war haya xaalada Soomaaliya waxay horey u saadaaliyeen in shirka uu ku dhamaan doono fashil marka la eegay halka ay kala joogaan Madaxweynaha DFS Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland .
M_M Deeq
Halgan.net