Guddiga Dib u habaynta Ciidamadda Puntland oo kormeer ku tagey Dugsiga Tababarka Godod.[Video/Masawiro]

April 10, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Guddiga Dib u habaynta Ciidamadda Dawladda Puntland ayaa kormeer ku tegey Dugsiga Tababarka Godod oo uu ka socodo qaban qaabada u diyaar garoowga soo xirtaanka Ciidamadda daraawiishta oo tababar mudo uga socday Dugsiga Godod.Booqashada guddiga ee Dugsiyada Godod waxaa ku weheliyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Duqa dagmada Gaalkacyo.

Gudigga ayaa markii ay tageen Dugsiga waxaa ay u kuur galeen qaabka ay u socoto xaflada xirtan tababrka waxana ay kulan la qaateen Saraakiisha loo xilsaaray Xaflada.Ciidamada ayaa sameeyay hor dhac dhoolatus ah waxaana salaan ka qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamadda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Guddiga iyo Saraakiisha qado sharaf ugu sameeyay meel 45 Km ujirta Gaalkacyo Masuuliyiinta ayaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug uga mahad celiyay martiqaadkan uu u sameeyey madaxda Dawladda.

Halgan.net
Gaalkacyo

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online