Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS oo ku baaq wada hadal iyo tanaasul.
April 26, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ku baaqayaa in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Dalka, lana joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal, isla markaasna loo turo dadka Soomaaliyeed, khilaaf walbana lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul.
Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu boorrinayaa ilaalinta midnimada guud ee Dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaal.
Email:- Media@senate.govso
Twitter:- @AqalkaSare
Website:- www.senate.gov.so