Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda oo goobjoog ka ahaa Wareejinta 14 maxaabiis Burcad-badeed ah
April 11, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Guddiga Guddiga Shuruucda iyo Cadaaladda Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Sharmaarke Cali Cilmi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa goob-joog ka ahaa wareejinta 14 maxaabiis Burcad-badeed ah kuwaa oo muddo dheer xabsiga Garoowe ku xirnaa, maanta lagu wareejiyey Dawladda Federalka ee Soomaaliya si xabsiga inta u hartay ay ugu qaataan Muqdishu maadama ay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya.
Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ku eedeysnayd ayaa ku xirnayd heshiis is afgarad ah oo dhex maray Seychelles & Puntland, Bishii Maarso 15, 2011, waxaana Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta DPL, Mudane Cawil Shiikh Xaamud ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Maxaabiista Wafdi ka socda Dawladda Federal ee Soomaaliya, waxaana isla maanta diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Garoowe.
—DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland