Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku wareejiyey $20,910 dollar Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo
April 11, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo daamur ah.
Wareejinta dhaqaalaha looga qeyb-qaadnayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021.Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo daamur ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha May, 2021.
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland
—-DHAMMAAD—-