Gudoomiyaha gobalka Mudug oo sheegay in la qabtay rag dil ka geystay Gaalkacyo
April 1, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo caawa Shir jaraa’id goor-dhaweyd ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Laamaha ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen kooxdii ka dambeysay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay, Allaha u naxariistee Cumar Maxamed Samatar oo ahaa sarkaal katirsan laanta dambi baarista Puntland ee C.I.D. “Argagixisada Al-Shabaab waxaan lee nahay Gaalkacyo iyo Mudug waa idinkaga dhamaatay, ma aha waagii intaad qof dishaan, la oran jiray wax dilay lama yaqaan, dad aad ka dhuuman kartaan ma nihin hadda,waan idiin jeednaa, wixii aad ku hayn jirteen 10 sano ee la soo dhaafay albaabkoodii waa soo xirnay waan inaadin ka samirtaan baa la rabaa waa wiiqnay awoodiinii marka Gaalkacyo waa idinkaga dhamaatay “ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.
Hoos ka Daawo Shirka jaraa’id ee Gudoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yareM_M Deeq
Halgan.net