Madaxweynaha DGPL iyo ku xigeenkiisa oo hortegay Golaha Wakiilada ee Puntland.
April 17, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland.
Kulanka oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada DPL.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha Wakiilada la qaadanaya xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo mowqifka Dowladda Puntland ee ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA