Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandi.

April 18, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariiste Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi.

“Waxaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariiste Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday dalka France , waa Tiir muhim ah oo ka baxay dadka Soomaaliyeed.

AHUN Prof Gaandi waxaan u lahaa aqoon fiican, waan isla soo kornay marna waxaan ka wada tirsanayn Baarlamaanka DFS, wuxuu kaalin muhim ah kulaha tacliinta dalka isagoo ahaa shakhsi waxbadan ka og sooyaalka iyo taariikhda dadka Soomaaliyeed.

Marxuumku door muhim ah ayuu ka geystay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed, maraaxishii kala duwanaa ee ay soo martay iyo hirgelinta nidaamka Federaalka isagoo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaha Jubbaland.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya qoyskii, eheladiisii iyo asxaabtiisii, murxuumka alle janadii ha geeyo ehelkiisana samir iyo iimaan alle ha kasiiyo Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online