Madaxweynaha Jubaland oo ka tacsiyeeyey geerida Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.[Video]

April 18, 2021 - Written by Editor

KIsmaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan umada Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland iyo qoyskii, qaraabadii iyo saxiibadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo katirsanaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubaland isagoo Kamid ahaa aas aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyahiin Bulshada Jubaland, waxaa kale oo uu door muuqda oo aan la iloobi karin ku lahaa xorayntii inta badan deegaanada Jubaland isagoo xiligaas ahaa wasiirka difaaca dalka.

“ Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xoraynteeda” ayuu yiri Madaxweynahu.

Sidoo kale Marxuumku wuxuu qeyb muhiim ah kasoo qaatay tacliinta dalka isagoo ahaa shaqsi ku xeel dheer Tariikhda iyo sooyaalka Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay isagoo Alle uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.


DHAMMAAAD.

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online