Puntland iyo Jubbaland oo beeniyay inuu fashilmay Shirkii arrimaha doorashada ee ka socday Muqdisho.
April 7, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo shirjaraa,id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa beeniyey in uu fashilmay shirkii arrimaha doorashada ee ka socday magaalada Muqdisho.
Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in lagu balamay in shir kale la isugu yimaado oo dhinacyadu aadaan wadatashi dhexdooda ah dibna la isigu soo laabto.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa Yiri ”Waxay nala noqotay wax la yaableh markii wasiirka warfaafinta dowladda muddo xilleedkeedu dhamaaday uu sheegay in shirku fashilmay, balse waxaan doonaynaa inaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegno in uusan shirku fashilmin,”
Puntland iyo Jubbaland waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in la heshiiyo oo dalka uu doorasho aado waxay ku eedeeyeen in uu fashilinayo shir walba oo is afgarad ku dhawaada.
Halgan.net
M_M Deeq