Puntland oo Gaalkacyo ka bilowday Maxkamadeynta xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.[Video]

April 20, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobollada Mudug iyo Cayn ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwadda 5 eedaysanayaal oo xeer ilaalintu kusoo eedaysay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab sidoo kalena falal amniga liddi ku ah ka gaystay gobolka Mudug.

Eedeysanayaasha ka tirsan Al-shabaab oo dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo e xarunta Gobolka Mudug ee la horkeenay Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobollada Mudug iyo Cayn ayaa waxaa ay ahaayeen 5 xubnood iyo shaqadoodu iyo Da’dooda waa sidan:-

1- Faysal Ahmed Bashiir Ali Kujis ——– 31 jir ah shaqadiisu waa Faryaamo.

2- Sahal Cabdullaahi Mohamed Jaamac ——- 32 jir ah Shaqadiisa waa Darwal.

3- Idirs Mohamed Afyare 25 jir ah ———- Shaqadiisu waa Dukaanle.

4- Salmaan Mohamuud al faarisi 26 jir ah ——- Shaqadiisu waa Foorno-Rootile.

5- Jaamac Muriidi 20 jir ah ——- Shaqadiisu waa Bajaajle.


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online