Puntland oo ka jawaabtay eed uu u jeediyey Madaxweyne Farmaajo

April 16, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay.!

Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dowladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhacay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay.

Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal diyaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna markiiba waadigii amray in la baahiyo in Shirka Fashilmay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fashilin.!

Soomaalidu waxay illaashan jirtay Afartii sano in halmar ay Doorasho ka dhacdo dalka, si wanaagsana xilka la isugu wareejiyo.

Balse waxaa muuqata in aad noqotay qofkii ugu horeeyay burburkii kadib Kursiga isku dhejiya, isku daya muddo kororsi aan sharci aheyn , xoog iyo jujuub, dhammaan ficiladaasina dadka Soomaaliyeed waa soo arkeen natiijadooda!

Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland,
Jaamac Dabaraani.

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online