Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay wada hadal[Video]

April 26, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble oo saaka la hadlay saxaafadda ayaa xusay in uu aad uga xun yahay wixii dagaalkii shalay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo khalkhal geliyey nabadgelyada iyo amniga magaalada.
Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu faray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gutaan waajibkoda ka saaran sugid amniga ay ka hortagaan wax walba oo dhibaato u keeni kara amniga
Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay wada hadal iyo is afgarad in lagu dhameeyo dhibta dhacday waxaan uu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay wadahadal iyo xal in loo helo dhibka dhacay.
Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka guud ahaan gaar ahaan magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online