Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Puntland oo tababar u oo xiray Guutada Gama’diid (Masawiro)

April 3, 2021 - Written by Editor

Xarfo:-Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dowladda Puntland ayaa xerada Abqaale ee degmada Xarfo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland.Wasiirka Maaliyadda, Mudane Xasan Shire, Wasiirka amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa tababarkan u soo xiray dufcaddii ugu horraysay ee ka baxda dugsiga Abqaale, iyadoona loo bixiyey Guutada Gama’diid.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hadley sida ay dawladda Puntland uga go’an tahay dib u dhiska iyo dib u habaynta ciidamadda dowladda, wuxuuna sheegay mar kasta inuu Ahmiyad wayn siinayo bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidamaddu ku leeyihiin dowladda Puntland.

Taliyaha Guud ee Ciidamada S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa boogaadin u soo jeediyey masuuliyinta Maamulka ,saraakiisha iyo macalimiintii qabtay shaqada wanaagsan ee dhameystirka tababarkan ayna kor u qaadayaan mar kasta aqoonta iyo xirfadda Ciidamada Dowladda Puntland.

—–Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online