Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Muqdisho ee caawa.[Dhageyso]

April 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:- Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayey saaka ilaa caawa fiidkii isku dhac hubaysan oo u dhexeeyey ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo ka tirsanaa dowladda oo ka soo horjeeda mudo kordinta loo sameeyey madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya, iska horimaadka hubaysan ayaa waxaa ay ka dhaceen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta kale duwan in ay arkeen ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada ka soo horjeeda oo ku hardamaya xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka maanta ka dhacay xaafadda Muqdisho gaar ahaan Sanca, Mariina iyo KM4.

Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoygiisa ay ciidamada DFS ku soo weerareen .

Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in hoygiisa ay ku soo weerareen ciidamada DFS

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa ugu baaqay dhinacyada inay mujiyaan dulqaad, waxaana uu sheegay in loo baahan in la ilaaliyo hay’adaha dawladnimada iyo wadahadallada.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa beeniyey in ciidamada dawladdu ay weerareen madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud wuxuuna sheegay in amniga iyo xasiloonida la ilaaliyo.

Ugu dambeyntii rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa meelo badan oo wadada Maka Al-mukarama ah, sida agagaarka isgoyska Sayidka, isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo isgoyska KM-4, degmada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas goosgoos ah.

Jawiga ay gashay magaalada Muqdisho maanta ayaan la mahdin doonin haddaan la helin xasilooni siyaasadeed iyo doorasho isla wada ogol yahay iyo in Waxgaradka ,culumada ay u istaagaan xal u halida khilaafka DFS iyo Mucaaradka.



M_M Deeq

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online