Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo caawa ka hadlay xaalada magaalada Muqdisho.[Video]
April 16, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey oo goor dhow la hadlay saxaafadda dowladda ayaa sheegay in ciidamada dowladdu aysan weerar ku ahayn xaafaddo nabdoon oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliyan Xasan Xundubey ayaa ugu baaqay siyaasiyiin ka soo jeeda in aan ciidamada aan la beelayn maadaama dhib badan loo soo maray dhismaha ciidamada.
Ilaa iyo intii xika laga qaaday Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq ayaa waxaa bilowday Khilaaf ka dhex aloosan Madaxda dowladda Federaalka iyo Taliyaha ka dib markii uu ka hor yimid 2 sano oo mudo kordhin ah oo loo sameeyey Madaxweynaha iyo golayaasha kale ee dowladda.
A/cawaale
Halgan.net