Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Odayaasha ka hadlay Muqdisho waxa ka dhex hadlaya Al-shabaab.[Video]

July 10, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ka jawaabay Eedeymo ay soo jeediyeen odayaal jooga degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo u doodayey dhalimyaro ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo dilal iyo qaraxo kale duwan la geystay magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in wiilal ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo 10 sano in ka badan dilal iyo qaraxyo ka waday magaalada Gaalkacyo ay hadda odayaal u soo fariistaan warbaahinta iyagoo wakiil uga ah arrinkaas Al-shabaab xaggee bay odayaashu ku maqnaayeen 10 sanno oo ay Al-shabaab adeegsanayeen wiilasha ay hadda u doodayaan 2021.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Dambiile shabaab ah inta qabano qabiil usiidayn mayno, Luuqadaha Argagixisaday ka mid tahay in ay dadka adeeg sadan fariimaha ay rabaana dhex marsadaan, cid kasta oo ay maxkamadu xukuntana waa fulin ”

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online