Raysal wasaaraha DFS oo xilka qaadis ku sameeyay laba Sarkaal oo ka tirsan NISA
July 23, 2021 - Written by EditorRa’iisal Wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.
Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu oo shirjaraa,id ku qabatay magaalada Muqdisho goordhow ayaa sheegay xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali ka dib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee ka digayey in qofna laga celin karin garoomada dalka qofkasta oo Soomaali ahna uu xaq u leeyahay in uu dalkiisa meesha uu doono u dhoofo.
Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa yiri “Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,”
Hoos ka Daawo Shirka Jaar,id Ee Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu
M_M Deeq
Halgan.bet