Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir oo ka bad-baaday dil.

July 10, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay 9 kalena wey ku dhaawacmeen qaraxa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ka dib markii qarax lala beegsaday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, balse uu khasaaro leh dhimasho iyi dhaawac uu gaarsiiyey dad raid ah ee ka ganacsanayey  Isgoyska Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo ”

M_M Deeq

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online