Wasiirka amniga Puntland C/samad Gallan oo ka warbixiyaya Howlgaladii Lagu soo afjaraayay Kooxaha Daacish iyo ururka Al-shabaab.[Video]

July 15, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan oo shir jaraa’d ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa uu uga warbixiyey howl galo ay ciidamada Puntland ay Kooxaha Nabadiidka ah ee Daacish iyo Al-shabaab uga Sifeynayeen Buuraha Calmadow iyo Calmiskaat waxaana ay gaarsiyeen Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ayna ku jiraan Ajaaniib.

Dhamaan talisyadii kooxaha Nabaddiidka Daacish ee buuralayda Calmiskaat Waxa la Wareegay Ciidamadda Amaanka Dowladda Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.