Wasiirka arimha gudaha Puntland oo Akhriyay talooyin ay soo jeediyeen Gudiga dib u-Hishisiinta Gobolka Gedo.[Video]
July 21, 2021 - Written by EditorKismaayo:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Dhabancad oo ka mid ahaa Guddiga Dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble u soo gudbiyay Warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta Gedo.
Dhinac kale Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadcelinayaa Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo howl wanaagsan ka soo qabtay shaqadii aan u igmaday, isla maantana u soo gudbiyay Ra;iisul wasaare Rooble warbixinta howshii dib u heshsiisiinta Gedo iyo talo soo jeedintooda.
Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri
“Waxaan rajeynayaa in howlaha yar ee dhiman ay dhaqso noogu dhammaadaan.Isu socodka muwaadiniinta iyo diyaaradaha tagaya ama ka imaanaya Gedo, Guud ahaan Jubaland iyo dalka oo dhan lama xayiri karo, waana xaq dustuuri ah.Waxaa la joogaa xilligii siyaasiyiinta iyo dadka u tartamaya kuraasta aqallada baarlamaamku aadi lahaayeen deegaan doorashooyinkooda. Waxaan rajeynayaa in ay noo qabsoonto doorasho nabdoon, daahfuran oo aan cidna la dulmin.”
M_M_Deeq
Halgan.net