Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Daah-furay Ololaha ururadda Siyaaasadda ee Puntland[Masawiro/Video]
September 25, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilowmaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland,si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan. Wuxuuna u mahadceliyay Ururadda Siyaasadda iyo Shacabweynaha Puntland isagoo u rajeeyay Bulshada tartan Caafimaad qaba.
Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilowmaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.
Taariikh cusub ayeey u tahay dadweynaha reer Puntland, Doorasho Qof iyo cod ah waa markii ugu horeysay ee ay ka hirgelayso Puntland, waxayna tani ka midtahay ballan qaadkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sameeyay xiligiisii ololaha doorashada.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND