Sh C/naasir Xaaji Axmed oo si adag uga hadlay dilalka lagu laayey haldoorkii Magaalada Laascaanood.[Video]

September 13, 2021 - Written by Editor

Laascaanood:-Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waa weyn ee dalka Soomaaliya kuna Nool Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu si adag uga hadlay dilala qorshaysan ee lagu laayey haldoorkii magaalada iyo dadkii wax galka u ahaa umada.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo culiamada kale ee magaalada Laascoonood ayaa wax badan ka haday dilalka lagu laayey haldoorkii magaalada dilalkaas oo aan ahayn kuwa ay reeraha qabiilada isku aafaysan ay geystaan balse dilalkaas ay fuliyaan koox aan ilaa hadda sheegan sababta ay u leynayaan dad aan waxba galabsan.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa ugu baaqay bulshada waxgaradkeda culimadeeda in ay u istaagan siddii wax looga qaban lahaa dadka laynaya haldoorkii magaalada Laascaanood isagoo sheekhu xusay in dilalkaas ay bilaabdeen markii Maamulka S/land uu la wareegay gacan ku haynta magaalada waxaan Sheekhu ugu baaqay maamulka magaalada in ay wax ka qabtaan dilalka ka socda magaalada.

Dilalka Qorsahayn ee lagu laayey dad fara badan oo iskugu jira Culimo, Cuqaal Ganacsato,Nabadoodno Saraakiil Ciidan ayaa waxaa uu ka dhacaa inta u dhexeysa magaalada Gaalkacyo ilaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online