Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo ka qeyb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa

December 9, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo maanta ka qeyb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey ilaalinta hantida Qaranka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan qeybaha kale ee bulshada.

Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in musuq maasuqu uu ka mid yahay aafooyinka saameynta xun iyo mahadhooyinka ku yeesho kalsoonida iyo aaminaada dadweynaha ee ay ku qabaan xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu meel mariyey dhisadda iyo howlgelinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya, taas oo looga gol leeyahay in lagu ciribtiro musuq maasuqa, haddaba waa muhiim in uu qof walba doorkiisa ka qaata la dagaallanka musuq maasuqa iyo sidii looga miro-dhalin lahaa hannaan daahfuran.”

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa soo bandhigay kaalinta shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay ee ku aaddan wadashaqeynta iyo gacan siinta hay’adaha dowladda, si loo hirgeliyo qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska dowladnimada, maamul wanaagga iyo hufnaanta.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xaamud, xubno ka socday hay’addaha dowladda iyo ururadda bulshada raiyidka.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online