Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Ruwaanda
December 18, 2021 - Written by EditorAnkara:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda Mudane Paul Kagame oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay Madaxweyneyaashu isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horumarinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoolasha labada Qaran ee Soomaaliya iyo Ruwaanda.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya