Madaxweynaha Jubaland oo qaabilay Wafdi ka socday dowladda Turkiga.[Masawiro]

December 20, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya mudane Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Turkiga uga mahad celiyay jawaabta ilaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlada Jubaland ay u dirtay bulshada Caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubaland.

no images were found

DHAMMAAAD.

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online