Madaxweynaha Jubaland oo qaabilay xubno katirsan guddiga Doorashooyinka heer Federaal
December 19, 2021 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo maanta Madaxtooyada ku qaabilay xubno katirsan guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgalinta daahfurnaanta Doorashooyinka.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto wakhtiga iyo fursadaha wali dalka lagaga hirgalin karo Doorashooyin lagaga samata bixi karo xaalada Taagan ee dhinacyada amniga iyo abaaraha si loo helo Dowlad Awood u leh wax ka qabashada arimahaas mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed.
—–Dhamaad—-