Madaxweynaha Puntland oo baaq Nabadeed soo jeediyey in lagu dhameeyo xiisada Boosaaso.

December 24, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Saciid Calaahi Deni ayaa caawa Jeediyey khudbad taariikhi ah oo aad u dheer waxaana uu si gaara khudbadiisa diirada ku saaray xaalada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari oo ay mudo sadex bari ah uu dagaal ku dhexmarey ciidamada dowlada Puntland iyo kuwa PSF .

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Agaasimihii ciidanka PSF Jen Maxamuud Cismaan Diyaano ee uu madaxweynuhu xilka ka qaaday wuxuu sheegay in isaga iyo aabihiis ay u soo halgameen Puntland iyo amaankeeda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar uu ka hadlayey xaalada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ballan-qaaday in aysan ciidanka dowladda xabad dambe ka ridayn Boosaaso, xitaa hadii la soo weeraro .

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu ku baaqay  in berri laga bilaabo dib loogu furo dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay  loona gargaaro dadka dagaalka uu qaxiyey .

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladiisa ay aqbaleyso wax walba oo nabad lagu gaari karo wuxuuna sheegay in isimada ,culumada iyo waxgaradka uu u horeeyo Boqor Burhaan ay wadaana nabad iyo xasiloonida Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in uu xiisadda dowlada iyo  PSF u daynayo isimada iyo waxgaradka ku jira, wixii ay soo saaraana ay la qaadanayso dowladiisa.

Hoos Ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni uu ku baaqay Nabad .


M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online