Raisul wasaaraha DFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti
December 15, 2021 - Written by EditorJabuuti:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne dalka Jabuuti uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska ay ka qaadatay Soomaaliya.
Raisulwasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay gaaray magaalada Jabuuti si uu u soo xiro shirka Madasha Aragti wadaagga ee Heritage.
A/Cawale
Halgan.net