Wararkii ugu dambeeyay ee iska horimaad ka socda magaalada Boosaaso
December 21, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-iska horimaad hubeysan ayaa ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaana uu u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo taliyihii hore ee ciidanka PSF Jen Maxamuud Cismaan Diyaano iska horimaadka ayaa bilawday barqannimadii saaka, ka dib markii ay ciidanka Puntand ay weerar ku qaadeen fariisimihii ciidanka PSF .
Iska horimaadka ayaa waxaa uu intiisa badan ka socdaa xaafadaha Ridwaan ,Suuqa Caanaha waxaana dagaaladan ka dhashay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac .
Wararka hordhaca ah ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in ciidanka dowlada laga dhaawacay 6 asakari halka mid kale uu dhintay .dhanka PSF waxaa ka dhaawacmay 8 askari .
Ilaa gelinkii dambe maanta waxaa laga maqlayaa aaga xaafada Ridwaan hubka culus ee ay is weydaarsanayaan laba dhinac.
A/Cawale
Halgan.net