Wasiirka Arimaha dibada DFS oo la kulmay James Swan
December 8, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo QM.
Kulankan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan ayaa waxaa ay ka wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dolwadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.
A/Cawale
Halgan.net