Gudiga Amniga Gobolka Nugaal oo amar Adag ka soo saaray amniga caasimada Puntland ee Garowe.
January 21, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Gudiga Amniga Gobolka Nugaal Oo Ka Duulaya Habsami U Socodka Amniga Doorashada Baarlamanka Aqalka Hoose ee Soomaaliya ayaa Sheegay In Howl Galo Lagu Xaqiijinayo Amniga Beri Laga Sameyn Doono Gudaha Caasimadda. Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa Faray Ciidamada Sugaya Amniga Caasimada inay Qabtaan Qofkii Qori wata oo aan ka mid ahayn Ciidamada ku jira shaqada.
Gudiga Amniga ayaa Bulshada Garoowe ugu Baaqay inay ay La Shaqeeyaan Laamaha Amniga Garoowe cid walba oo Lid ku ah Amniga Caasimada Lala Socod Siiyo Ciidamada Shaqaynaya si loo qabto. Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Gadiidka Ciidamada Ma Ahane Gaari Kale Oo Ciidan in aan lagu dhex arki karin Gudaha Caasimada.
Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa Bulshada ka Codsaday inay La Shaqeyaan Laamaha Amniga si loo wada Ilaaliyo Nabad Gelyada Caasimadda
—DHAMAAD—