Kulan u dhexeeya Culimada iyo Issimada Gobolka Bari oo ka dhacay Hoyga Boqor Burhaan Boqor Muuse.[Masawiro]
January 1, 2022 - Written by EditorBoosaaso:-Culimo’udiinka waaweyn ee ku nool deegaanada Puntland ayaa waxaa ay kulan booqasho iyo xogwaraysi ugu tageen Hoyga uu Boosaaso ka degan yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Kulanka ka dhacay Hoyga Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa kale oo qayb ka ahaa Issimada Gobolka Bari waxaan kulanka culimada Issimadu ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen una taageereen Nabadeynta ay wadaan Issimada iyo Madaxda dowladda Puntland.
Culimada ayaa waxaa ay kula dardaarmeen Issimada in laga shaqeeyo nabada sidii caadiga u ahaan jirtay Issimada iyo in si deg deg ah loo soo afjaro coladii ka dhacday Boosaaso culimaduna ay diyaar ula yihiin Issimada in ay kala shaqeeyaan wax walba oo lagu soo afjari karo coladdii ka dhacday Boosaaso dib danbena aysan u dhicin dhiig macno daro ku dataa.
Kulanka dhexmaray Issimada iyo culimada waaweyn ee ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo guul.
Culimada ka qayb gashay kulanka waxaa ka xusi karnaa
1- Sh Daahir Aw- Cabdi
2- Sh Axmed Daahir
3- Sh Cabdiwaaxid Xaashi
4- Sh Fu’aad Maxamuud
5- Sh Maxamed Cabdullaahi
6- Sh Yaasin Cabdullaahi
7- Sh Axmed Farax Garaase
8- Sh Cismaan Mohamuud Xaaji
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net