Madaxwene ku-xigeenka Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Madaxtooyada Dowladda Puntland.[Video]

January 10, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxwene ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Madaxtooyada Dowladda Puntland. Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo dar-der gelin lahaa hawlaha Amni ee Madaxtooyada iyo in ciidamadu ka fogaadaan wax kasta oo wax yeelayn kara sharaftooda, isla markaana hoos u dhigaya kalsoonida shacabkoodu ku qabaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal lidi ku ah sharciga ciidanka. “Waxaad huwan tihiin sharaftii ciidamada Puntland maadaama aad ka hawl gelaysaan xaruntii laga hagayey dowladnimada, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inaad ka dheeraataan wax kasta oo dhaawici kara sharaftiina.

Ciddii lagu helo wax ka baxsan xayndaabka ciidannimo waxaan ka qaadaynaa talaabada sharciga ah ee ku haboon.
Waan idiinka mahadcelinayaa shaqada baaxada leh ee aad haysaan, anigoo idinku boorinaya inaad sii laba jibaartaan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka waxa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Kusimaha Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online