Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo magacaabay guddi korjoogteeya dhaqan galka go’aamada nabadda ee deegaanka Saax-Maygaag.
January 7, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maanta ka qabsoomay deegaanka Hadhwanaag ee lagu go’aamiyey xabad joojin iyo kala rarista ciidan beeleedyada ku diriray deegaanka Saax-meygaag.
Guddigan ayaa kormeeraya in ciidan beeleedyada la kala geeyo Boocame iyo Birta-dheer.
1. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye
2. Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin
3. Gen:- Axmed Taajir. Xubin
4. Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin
5. Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin
6. Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin
7. Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND