Wafdigii u yimid Nabadaynta Boosaaso oo kulan la qaatay Agaasimihii hore ee PSF.[Masawiro]

January 1, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Wafdigii Nabadeynta ee Siyaasiyiinta Puntland ee uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Abdirashid Yusuf Jibril oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashiii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Abdiweli Maxamed Ali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimihii hore ee Ciidmaada PSF ahna musharax u tartamay xilka Madaxweynanimada Puntald Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi .

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Hoyga Gen Asad Cismaan Cabdullaahi uu ka degan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Kulanka ayaa waxaa uu u badnaa is xog waraysi iyo siddii loo xoojin lahaa Baaqyadii Nabadeynta ee ay ku baaqeen Issimada, Culimada iyo dowladda Puntland.

Ra’iisul Wasaarayaashiii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Abdiweli Maxamed Ali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Senator C/raxmaan Faroole ayaa ka codsaday Gen Asad Cismaan Cabdullaahi in uu kala shaqeeyo siddii loo xoojin lahaa Nabadeynta maadaama uu in mudo badan uu ka soo shaqaynayey arrimaha amniga arrinkaas oo la isla qaatay

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaarayaashiii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Abdiweli Maxamed Ali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Senator C/raxmaan Faroole iyo Gen Asad Cismaan Cabdullahi ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo guul.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online