ATMIS oo xayiraad ku soo rogtay xerada Xalane [Dhagayso]
April 10, 2022 - Written by EditorMUQDISHO – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa maanta xayiraad ku soo rogay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Warqad uu taliska ATMIS u diray safaaradaha, hay’adaha UN-ka iyo diplomaasiyiinta ku sugan xerada Xalane ayaa lagu sheegay in ciidamada ATMIS ay howlgallo amni ka sameyn donaan gudaha xerada Xalane.
“Taliska ATMIS wuxuu baaritaanno amni ka sameyn doonaa saldhigga Xalane laga bilaabo 10-ka ilaa 16-ka bishan April. Haddaba si baaritaanno amni oo aan joogsi lahayn ay u dhacaan, saldhigu wuxuu noqon doonaan mid xayiraad la saaray inta u dhaxeysa muddadaasi kor ku xusan.” Sidaasi ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka ciidamada Midowga Africa ee ATMIS.
Xayiraaddan waxaa ku jira in la joojiyay dhammaan howlaha dhismaha, ganacsiyada Soomaalida iyo ajanabiga, iyo waliba dhaqdhaqaaqa gudaha xerada Xalane.
Tallaabada ATMIS ayaa imanaysa iyadoo dhawaan kooxda al-Shabaab ay weerar ay ku qaaday garoonka diyaarahada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ajanabi ah.
Xerada Xalane, waxaa la filayaa in toddobaadkan lagu dhaariyo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 11aad.
Ilo Diplomaasiyadeed oo ku sugan Xalane ayaa VOA u sheegay in dhaarinta xildhibaannada iyo xayiraadda Xalane aanu wax xiriir ah ka dhaxeyn. Ilaha ayaa intaas ku daray in hadafka Taliska ATMIS uu yahay inuu hubiyo amniga gudaha Xalane oo uu nadiifiyo xerada Xalane maadama halkaasi lagu qaban doono doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Dhinaca kalena guddiga doorashooyinka heer federal ayaa maanta sheegay in diiwaangelinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 11aad ay dardar ku socoto, iyagoo haatan shahaadada siiyay illaa 200 oo xildhibaan. Guddiga ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaanadu ay ku dhici doonto wakhtigii loogu tallagalay.
VOA