Dowladda Jubbaland waxay u aragtaa Danjirahii hore ee Midogwa Afrika inuu lid ku ahaa hanaanka dowlad dhiska iyo madax banaanadii dalka.
April 7, 2022 - Written by EditorKismaayo:-Dowladda Jubbaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arrimaha gudaha ee dalkeenna taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyadda kana baxsan shaqadii loo igmaday.
Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dilaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasadda gudaha ee dalkeenna isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasadda ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Francisco Madeira, waxa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubbaland isagoo ka hor yimid heshiiskii Dowladda Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinkii 2019ka ee Jubbaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubbaland aan xal looga gaarin.
Sidoo kale waxa uu in muddo ah ka caga jiidayay howlgallada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM, sagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha Argagixisada ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummadda inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.
DHAMMAAAD.