Guddiyada FEIT, EDRC iyo SEIT-Jubbaland ayaa shir wadajir ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo
April 20, 2022 - Written by EditorKismaayo:-Guddiyada FEIT, EDRC iyo SEIT-Jubbaland ayaa shir wadajir ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KM ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa doorashada deegaanka labaad ee Jubbaland (Ceelwaaq) oo lagu wado in dhawaan la qabto si loo dhammeystiro 16 kursi ee ku dhimman Jubbaland.
Shirkan ayaa muujiyey diyaar garow aad u wanaagsan oo ku aaddan qabashada doorashada kuraastaas.Kulankan oo uu Shir Guddoomiyey Guddoomiyaha GHDHF Mudane Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxay Guddiyadu ka soo saareen go’aamo miro dhal ah oo ku saabsan dhammeystirka doorashada kuraasta harsan ee Jubbaland.
——-Dhamaad—–