Guddoomiyaha FIET oo Xilka ka qaaday Xog-hayihii Guddiga Doorashada
April 1, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET, Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka ka qaaday Xog-hayihii Guddiga FIET, Cabdirixiim Cabdicasiis Aadam.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghayaha uu dhowr ka hor-yimid go’aano ka soo baxay Guddiga FIET, isla markaasna la siiyay digniino.
Guddoomiye Muuse Geelle ayaa sheegay in Xoghayahani uu caqabad ku noqday Arrinaha Doorashada dalka sidaasina xilka looga qaaday.
Xilka qaadista Xog-hayihii Guddiga FIET, Cabdirixiim Cabdicasiis Aadam ayaa ku soo aaday xili ay shaaciyeen Guddiga FIET liiska Xildhibanada Baarlamaanka 11-aad ee labada Gole.
no images were found
C/Casiis Maxamed
Halgan.net