Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda oo Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.[Masawiro/Video]
April 14, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland, Xaaladda Abaaraha, Nabadeynta Saax-maygaag/ Sangejebshe iyo qodobo kale.
no images were found
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga Golaha ugu xilsaarnaa xaaladda Abaaraha, wuxuuna faray in la dardargeliyo dadaalka socda dhinac kasta, dhakhso wax loola gaaro dadka Abaartu saameysay.
Ugu danbeyn Golaha ayaa boggaadiyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, waxaana la dardargelinayaa in dhammaan degmooyinka Puntland laga wada hirgeliyo.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.