Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo goob joog ka noqday dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada
April 10, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyn ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo xubin ka mid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Xubnaha cusub ee maanta la dhaarshay ayaa kala ah Wasiirka wasaarada Ganacsiga, Warshdaha iyo Maalgashiga Puntland, Wasiir ku xigeenka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo xubin ka mid ah Guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC).
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa Kula dardaarmay masuuliyiintan in ay shaqadooda u gutaan sida ugu wanaagsan si Bulshada loogu adeego, waxaana uu alle uga baryey in uu u fududeeyo xilka loo igmaday.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.