Kusimaha Madaxweynah Puntland Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Mrs Kirsten Young

April 4, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Kusimaha Madaxweynah Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Iinsaanka UNSOM ee Soomaaliya Mrs Kirsten Young Ahna Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo wefti ay hogaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada xuquuqul Aadanaha ee Puntland, Hir-gelinta Xeerka Caalamiga ah ee dhowrista Xuquuqda Maxaabiista iyo xukunka da’yarta lagu helo dembiyada culus, dhismaha xarunta dhaqan celinta da’yarta, Horumarinta iyo Dhisidda Xabsiga Galkacyo iyo Xarunta Maxkamadda Ciidamada, Tababarka Garsoorka dhanka shuruucda Caalamiga ah iyo Xoojinta xafiiska xuquuqul Aadanaha Puntland iyo dhisida xarunta dhexe ee xafiiska.

Madaxa xafiiska xuquuqul aadanaha UNSOM ee Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha sida ay u garab istaageen xafiiska xuquuqul Aadanaha iyo shaqada wanaagsan ee ay qabteen. Kulanka waxaa ka qayb galay guddoomiyaha xuquuqul Insaanka Puntland, wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada iyo saraakiil Madaxtooyo.

Ugu dambayn Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda ay ku yimaadeen Puntland.


——Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online