Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
April 19, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 19-ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Maxamed Faarax Aadan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.