Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u hambalyeeyey gudoomiyaha cusubbee Golaha Shacabka JFS.[Video]

April 27, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Mudane Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe). “Waxaan u hambalyeeynaya Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS Mudane Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), waxaan u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday xilli uu dalkeenu u baahanyahay in laga gudbiyo marxalad adag.

Caawa waa habeen ku weyn ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, waxaana rajaynaya isbedelka ka dhacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, in uu bar-bilow u noqdo isbedel guud oo dalkan samatabixiya.

Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad dhammaan u dhabar adaygteen shaqo masiiri ah xili aad soomantihiin idinkoo ku dhex afuray kuna dhex suxuuranaya gudashada waajibaadka idinka saaran Qaranka.

Waxaan inoo rajeynayaa in sidoo kale in Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Gobolaha Shacabka JFS, ay inoogu dhammaato si wanaagsan. Soomaaliya Ha guulaysato,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online