Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeye geerida Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib

April 26, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qabtay dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, waxa kale oo uu soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadihii 1970-1974-kii.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online